Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Habka hay'ada socdaalka ee maareynta fiisaha oo dhib ku haya shirkadaha IT.

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 16.59
Howlaha waaxda socdaalka waqti dheer ayay qaataan, waana ku dhib shirkadaha shaqaalaha ka keensada dibeda. Foto: Magnus Hjalmarson Neideman/Anders Wiklund/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Shirkadaha dalka ka jira ee ku lugta ah shaqooyinka culuunta tiknoolijiyada ama wax la yiraahdo IT ayaa waxaa ku tahay in ay ka helaan dalka gudihiisa shaqaale sidaasi daraadeed ayay waxay daafaha caalamka waxay ka soo qortaan shaqaale u shaqeeya.

Hase yeeshee waqtiga uu ku qaato hay’ada socdaalka maareynta kiisaska dal ku galka iyo ruqsadaha shaqo ee ay u baahan yihiin shaqaalaha ay dibeda ka raadsadaan shirkadahan ayaa caqabad waxa uu ku yahay horumarka culuunta tiknoolijayada ee dalka, sida uu leeyahay ururka IT- och Telekomföretagen oo ah urur mideeya shirkadahan.

Ganacsade la yiraahdo Carl-Johan Hamilton oo maamula shirkad cilmiga tiknoolijayada ka shaqeysa  ayaa qudhiisa waxa uu dareemay dhibaatada waqtiga dheer ee hay’ada socdaalka ku qaadato maareynta ruqsadaha shaqo ay doonayaan shaqaalaha dibedaha laga keeno.

Carl-Johan ayaa sheegay in ay qaadato wax la mid saddex toddobaad in aad ka hesho waaxda socdaalka jawaab email-ah iyo sidoo kale in waqti dheer aad ku jireysa saf tilifoon marka aad kula xiriirto tilifoon xafiisyada hay’adda socdaalka.

Waxa kale uu sheegay ganacsadahan in ay dhacdo in waaxda socdaalka aad ka hesho jawaab aan la fahmi karin waxuuna ku tilmaamay xaalda in ay tahay mid aan la maleysan kareyn jahawareerkeeda, waqtiga ay qaadaneyso ayna sababto in mishaakil in ay dareemaan shirkadaha iyo shaqaalaha ay soo qaadanayaan.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".