Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkada Vattenfall hoos u dhigtay hantida ay ku fadhiso, noqoneysa labo

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 10.36
Vattenfall ayaa maanta qaban doonta shir saxaafadeed. Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix

Shirkada quwada korontada dowlada ee Vattenfall ayaa lumisay ku dhowaad 30 bilyan karoon oo ah hantida ay ku fadhiso iyada oo sidoo kale shirkada laga dhigayo labo qeybood oo kala ah qeyb dalalka Nord-ga iyo mid qaaradda yurub ah .

Sababta ugu ballaaran ee horseeday isbedelkan ayaa lagu sharxaya in uu yahay iibsiga shirkadan ay soo iibsatay shirkada laga leeyahay dalka Holland ee Nuon oo iyaduna ku jirta howlaha quwada korontada.

Iibsiga shirkadan ay iibsatay shirkada Nuon ayaa waxaa la shaaciyay afar sano ka hor waxayna Vattenfall ku iibstay shirkada korontada Holland addun lacageed gaaraya 100 bilyan, waxaa iibsagaasi lagu tilmaama kii ugu qiimo badnaa ee ay abid sammeeyso shirkad laga leeyahay dalka Iswiidhen.

Hase yeeshee si ba’an ayaa loo dhaleecayay heshiiskaasi ganacsiga waayo bay la leeyahay waxuu ahaa mid qaali ah iyada oo dhinaca kale wax soo saarka korontada ee ay iibsaneysay Vattenfall in uusan aheyn kuwa mar kale la isticmaalo karo ama waxa afka Iswiidhishka lagu yiraahdo ’’förnyelsebar’’ in wax marka la isticmaalo haddana dib loo soo cusbooneysiin karo.

/ Ekot TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".