Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka stroke oo ku dhaca dhallinyaro fara badan.

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 11.13
Foto Hasse Holmberg/Scanpix

Waxaa yar dadka u dhinta cudurka stroke ama maskaxdhiiga waxaana la sheegayaa in tirada dadka u dhinta cudurkaasi in ay yihiin dadka da’da hase yeeshee cilmi baaris cusub oo laga soo saaray magaaladda Göteborg ayaa tilmaameysa in cudurkan uu imminka uu ku dhaco da’ aan horay looga baran.

Inta u dhaxeysay sanadihii 1987-2010 waxaa cilmi baaris lagu sammeeyay dad gaaraya afar boqol kun oo qof oo cudurkan uu ku dhacay waxaana cilmi baarista lagu ogaaday in da’da u dhaxeysa 18 ilaa 44 ee cudurka uu ku dhaco in ay kordheen 1,5 boqolkiiba sanadkii.

Sababta lama caddeyn balse isbedelada habka nolosha iyo tirada dadka cayilan ee dhallinyarada ah oo sii kordhay ayaa la rumeysan yahay in ay door ku leedahay koroka cudurkan ee dadka dhallinyarada ah, sida ay rumeysanyihiin cilmi baarayaasha.

Cudurkan ayaa inta badan curyaamiya qofka uu ku dhaco.

Farsamada tiknooliyada oo sii horumartay, sahleysana in xitaa la ogaado heerarka hoose ee cudurkan ayaa xitaa la sheegayaa in sabab u noqon karto sare kaca ka muuqda tirakoobkan hadda la soo saaray.

/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".