Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gaari boolis ah oo la beeniyay in uu ku lug lahaa tartan sharci daro ah.

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 12.20
Foto: Hasse Holmberg/Scanpix

War shalay lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ka hadlaayay in gaari kuwa booliska ah uu ka qeyb qaatay tartan baabuur oo sharci daro ah oo dhacay bilowgii bishan, i warkaasi uu yahay mid aan sax aheyn booliskana uusan ka qeyb qaadan tartankaasi sida uu sheegay shaqsiga abaabulka tartankaasi.

Filim yar oo muujinayay sida gaari boolis ah uu u soo garab istaagay gaari kale ka dibna ay isla dhaqaaqeen ayaa shalay si weyn raad ugu yeeshay qeybo ka mid ah warbaahinta.

Sida laga soo xigtay wadaha gaariga kale ee ka dhinac muuqday midka  booliska, ciidanka saarnaa gaariga booliska ayaa ka dalbaday isaga in uu isaga tago meesha.

Qofka soo abaabulay tartanka ayaa sheegay in uu shalaayay marka uu arkay sida dhacdadaasi looga hadlay uuna ka niyad xumaaday waxuuna sheegay in uu hadda doonayo in uu raali geliyo booliska.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".