Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga yurub oo xadeeynaya lacagaha khidmada ee kaararka bankiga.

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 13.50
Boorso ay ku jiraan kaarar banki. Sawirle: Christine Olsson/Scanpix

Sida uu sheegay ururka macaamiisha Yurub, waxaa maalinta beri ah la filayaa in ururka midowga uu soo bandhigo hindise  xadeyn doona lacagaha khidmada ee bankiyada ka qaataan dadka isticmaala kaararka bankiyada.

Hase yeeshee waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan arrintan inkastoo ururka macaamiisha Yuruub ee marka la soo gaabiyo magaciisa la yiraahdo BEUC uu sheeg in sharciga la wado uu faaido u leeyahay macaamiisha isticmaasha kaararka.

Xitaa dadka aan heysan kaararka ayaa bixiya lacago dheeri  oo la xiriira adeegyada bankiga ee maareynta xisaabta qofka uu ku leeyahay bankiga ama khidmooyinka loogu  yiraahdo, adeega gudaha bankiyada, sida uu u sharaxay ururka BEUC.

Laakiin sida ay leedahay shirkada kaararka bankiyada ee  Mastercard, waxaa dhici karta in hindisahan uu noqdo mid qaali ku noqdo labadaba, macaamiisha iyo shirkadaha yar yar ee ganacsiga ku jira waa haddii midowga Yurub uu xadeeyo lacagta adeega ee bankiyada.

Mastercard ayaa tusaale u soo qaadatay qorshe la mid ah midka hadda uu wado midowga yurub oo ay fuliyeen dowladaha Mareykanka iyo Spain.

Lacagta khidmada ee laga hadlaya ayaa ah mid aysan arki kareyn macaamiisha oo ay jaangooyaan shirkadaha kaararka bankiyada waxuuna midowga Yurub ka shalisan yahay in macaamiisha ay bixiyaan lacag saa’id ah sidaasi daraadeed ayaa la filayaa berito in midowga oo soo saaro go’aan ah in meel lagu xadido lacagaha bankiyada ku qaataan adeega kaararka lacagaha.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".