Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kobaca warshada wax soo saarka dalka oo si tartiib ah kor ugu kacaya

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 14.49
Koronka sareeya ayaa qeyb ka ah kobaca yar ee alaabada dibadda loo dhoofiyo
(5:29 min)

War-bixinnada la xiriira xisaab-xiryada saddexda bilood ee ugu dambeeya nusa-sanaha hore ee sannadka ee shirkadaha waaweyn ayey ka muuqdaan dhowritaan la sugeyo inuu halkiisa ka sii socdo kobaca dhaqaalaha caalamka. Waxaa kor u sii kacaya oo muddaba la dhoowrayey baahida alaabada warashadaha ee dalkan dibadda looga dhoofiyo, halka sidoo kale uu ka caga- dhiganeyo xowligii faraha badnaa ee ku socday dhaqaalaha dalka Shiinaha.

Hase yeeshee lama saadaalin karo in aaney xilliyada dayrta iyo qaboobaha ee foodda innagu soo haya aaney dhici doonin in shaqaale hoowlahooda laga ruqseeyo, haddii aanu dhaqaaluhu ka sii hagaagin.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay 8% suuqyada maal-gelinta dhaqaalaha saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, marka loo barbar-dhigo isla bilahaa sannadkii kan ka horeeyay, sida uu baaritaan ku ogaaday Peter Malmqvist, ahna caalin culuunta saadaalinta dhaqaalaha ku xeel-dheer.

Halka uu isku celcelin macaashka afarta bangi ee dalka ugu waaweyn gaarsiisnaa 23 bilyan oo koron, middaasina oo ey guul u tahay mulkiileyaasha bangiyadaa. Bangiyada Handel iyo SEB ayaa ugu macaash badnaa, halka uu xoogaa hoos u yara dhacay macaashkii bangiga Swed kolka loo barbar-dhigo isla bilahaa sannadkii tagay ee 2012.

Inkasta oo culeeyska ugu badani uu la soo gudboonaadey warshadaha wax-soo-saarka ee dalka ee alaabooyinka u dhoofin jiray waddammada dibadaha, ayaa haddana waxaa ka soo muuqanaya rajo iyo dhaqaalaha oo ka sii hagaahaya marka la eego alaabada uu dalkani u iib-geeyo waddammada waqooyiga Ameerika.

Wixii ka dambeeyay kolkii ay bilaabatay cakirnaanta dhaqaale sannadkii 2008 waxaa mar walba la qabay rajada ah in dhaqaaluhu ka sii hagaagi doono sannadka foodda innagu soo haya. Dhaqaalaha caalamka ayaase galay xaalad u dhiganta garan-garta oo kale, middaasina oo kolka uu mar waddammo ey dhaqaalahoodu hoos u dhacaanba ey saameeyneyaan kobaca dhaqaale ee caalamka iyo sidoo kale shaqa la'aanta oo korotya iyo sugitaankii in dhaqaaluhu ka soo roonaado oo sii qaadata wakhti ka sii dheer:
- Haa, xaqiiqdii waa xaalad u dhiganta jug-jug meeshaada joog. Labadii sannadood ee ugu dambeeyey ayaan saadaalinta sannad walba ku furi jirney in dhaqaaluhu ka soo hagaagayo, hase yeeshee waxaa jira xaalad uu dhaqaaluhu ka kobci la'yahay, sidii la filayey.

Wixii ka horeeyay sannadkii 2008 oo dhaqaalaha cakirani uu biloowday ayuu dhaqaalaha caalamku lahaa koboc wanaag-san, hase yeeshee ey middaasi sababtay kor u kac ku yimaada deeymaha guryaha iyo dawladdahaba oo ka sii xumaaday kolkii la galey xaaladda dhaqaalaha cakiran. Mararka qaarkood waxaa soo muuqda ifafaale in dhaqaaluhu dib u soo noolaaday, hase yeeshee ay haddana dib naftu uga baxdo oo dhaqaaluhu hoos u dhaco, sida uu sheegay Henrik Unell oo ka howl-gala bangiga Nordea. Waa sidee haddaba rajada sannadka foodda innagu soo haya?
- Sannadka soo socda wuxuu xawli geli doonaa hor-u-marka dhaqaalaha caalamka, sidoo kale waxay marsho hor leh geli doontaa koboca dhaqaalaha dalka Iswiidhen, qaasatan kobaca dhaqaalaha dalka mareeykanka iyo kor u kac ku yimaada. Waa sida uu suuqa dhaqaaluhu aamin-san yahay, sida ey aamin-san yihiin qaar badan ee ka mid ah dhaqaale-yahannada iyo weliba kuwooda ka howl-gala bangiga Nordea, hase yeeshee wax aan hubaal u qaadan karo ma jiraan.

Ma ahan oo keliya waxa dhaqaalaha dalkan iyo shaqa-la'aantaba cakirada ku ah oo keliya hoos u dhaca alaabada dibaddad dalkan looga dhoofiyo. Waxaa isaguna qiimihiisu sarreeyaa lacagta koronka dalka laga isticmaalo, marka loo barbar-dhigo lacagaha euro-oga iyo doolarka, waana mid saameeyneysa in uu yaraado xiisaha loo qabo beeca alaabada dalkan. In lacagta koronka ee dalku qiimaha sarreeya ku sugnaado waxaa sabab u ah in bangiga dhexe ee dalku meel sare ku hayo ribada iyo mid ka sarreeysa ribada bangiga dhexe ee Yurub ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno ECB. Dhaqaale-yahan Henrik Unell, oo ka howl-gala bangiga Nordea ayaa aamin-san in dalkani awood u leeyahay ku noolaansha xaaladda koronka adag muddo mustaqbalka ah:
- Bangiga dhexe ama bangiga qaranka ayaa u fekereya in warashadaha dalkani awood u leeyihiin la qabsashada mustaqbalka dhow ee koronka qiimihiisu sarreeyo. Hase yeeshee marla la eego labada xaaladood ee yaraanta baahida alaabada dalkan loo qabo iyo qiimaha koronka oo sarreeya ey mulkiileyaal badani u arkaan in loo baahan yahay in bangiga qaranku hoos u dhigo heerka ribada, tallaabadaasina oo hoos u dhigeeysa qiimaha lacagta koronka ee dalka lagu isticmaalo.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".