Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaliinada la isku caateeyo ee cayilka caloosha oo khatartooda yaraatay.

La daabacay tisdag 23 juli 2013 kl 16.30
Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix.

Waxaa sii yaraaday dhibaatooyinka sii adkeeyn jiray xanuunada ee laga dhaxli jiray qaliinada ay dadka isaga sammeeyaan cayilka caloosha ama buurnida iyada oo shantii sano ee aynu soo dhaafnay ay hoos u dhaceen kala bar, sida ku cad warbixin laga soo saaray qaliinadaasi ee dalalka Iskandaneefiya.

Waa wax aamin ah in la isku sammeeyo qaliin, ayuu yiri Erik Näslund, oo ah professor ka tirsan machadka Karolinska kana shaqeeya cisbitaalka Danderyd.

Keliya boqolkiiba saddex bukaanada laga qalay cayilka sanadkii 2012 ayaa waxaa la soo dersay dhibaatooyin qaliinka lagu sammeeyay la xiriira balse waxaa si aad ah hoos ugu dhacday halista ah in qofka uu geeriyoodo: Keliya 0,05 boqolkiiba ayaa geeroyooda dadka qaliinka lagu yareeyo cayilka ka dib markii ay ka soo wareegato muddo 30 cisho halka 0,08 ay dhintaan ka dib markii ay ka soo wareegato saddex bilood.

Qaliin la isaga sammeeyo cayilka ama baruurta caloosha intiisa badan waxuu la xiriira saabka uu galo cuntada ee caloosha iyo mindhiciirada yar yar waxaana la sheegayaa in qaliinka uu yahay mid wax weyn ka taraya dhibaatooyinka caafimaad ee  ka dhasha buurnida sida sokorta typ 2, dhiig karka iyo neefsiga go’ go ah ee xilliga hurdada.

Bukaanada lagu sammeeyo qaliinka ayaa waxaa laga doonayaa in ay dhimaan culeyskooda.

Sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa dalka Iswiidhen qaliinada lagu dhimo cayilka lagu sameeyay dad gaaraya 7 900 oo qof.

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".