Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruurta oo lala socod siiyo xanuunka waalidkooda wax bay tartaa

La daabacay onsdag 24 juli 2013 kl 09.48
Caruurta aan lala socod siin xaaladda waalidooka waxaa ku dhaca salcaan marka uu dhinto waalidka: Claudio Bresciani/Scanpix

Caruurta da’da tobanka sano ku jira ee mid ka mid ah waalidkooda ku waaya cudurka Kansarka ayaa la sheegay in saameyn ku yeelato warbixinta ay ka helaan shaqaalaha caafimaadka ee ku saabsan waqtiga waalidkooda uu sii noolaan karo.

Daraasad uu soo saaray machadka Karolinska ayaa muujineysa in ay yaraaneyso halista caruurta in noloshooda dambe uu ku dhaco cudurka salcaanka ama niyad jabka haddii dhaqtarka uu la yeesho wadahadal caruurta marka ay dhimanayaan waalidkooda oo lala socod siiyo xaaladda waalidkooda.

Daraasada ayaa sheegeysaa in caruurta lala socod siiyo xaaladda caafimaad ee waalidkooda ka hor inta aysan u dhiman ciudurka kansarka in ay ka fursad wanaagsan yihiin kuwa aan loo sheegin oo suurgal tahay in noloshooda dambe ay ka qaadaan salcaan xog la'aanta ku aadan geerida waalidkooda.

Bishii janaayo ee sanadkii 2010, waxaa ku soo kordhay sharciga daryeelka caafimaadka sharci cusub oo oranaya in shaqaalaha caafimaadka ay ahmiyad siiyaan baahida xog, kaalmo iyo talo siin ee ay u baahan yihiin caruurta waalidkooda sida daran u xanuunsan.

Cilmi baare, Tove Bylund Grenklo oo ah aqoonyahanka ka dambeeya daraasadan ayaa sheegay in ay ku arkeen daraasada in ay isku xiran yihiin labo arrimood ee ah niyad jabka ay qaadaan caruurta aan wax sidaasi ah loo gala socod siin xaalada waalidkooda iyo kuwa lala socod siiyay oo iyagu feker buuxa ka heysta wax dilay waalidkooda iyo in dadaal caafimaad loo sammeeyay blase la kari waayay daaweyntooda.

Tove Bylund ayaa sheegay in caruurta aan waxba lala socod siin  ay ku fekeraan arrimo ay ka mid yihiin, dhaqaatirta dhabtii kuma dadaaleen daaweynta waalidka mise waxba kama aysan qaban oo waa ay ku fiirsadeen xanuunka.

Caruur gaareysa 600 ayaa qeyb ka ahaa daraasadan kuwaasi oo da’dooda u dhaxeysay 13 sano ilaa iyo 16 sano, waana caruur uu dilay cudurka kansarka mid ka mid waalidiintooda.

Daraasada ayaa aheyd tii ugu horreysay ee lagu sammeeyay waaya-aragnimada caruurta ee ee daryeelka caafimaad ee waalid si daran u xanuunsan ama dhimanaya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".