Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga oo ay ku adag tahay in ay helaan hoy ay degaan.

La daabacay onsdag 24 juli 2013 kl 15.37
Sawirle: Nick Näslund/Sverige radio

Qaxootiga hela sharciga deganaanshaha ayaa ah dadka ay ugu adag tahay in ay helaan guryo ay kireystaan si ay u degaan.

Sida ay sheegtay hay’ada guryaha ee Boverket laguna soo daabacay wargeyska Hem & Hyra toddobo ka mid ah tobankiiba ee 273 degmo ee ay dowlada la gashay heshiis ah in ay qaabilaan qaxootiga sharciga deganaansha, ayay ku daga tahay in ay daboolaan baahida guri ee qaxootiga hela sharciga.

Xaaladda hoy la’aanta ee qaxootiga hela sharciga deganaanshaha ayaa snadkan ka sii liidata sida ay aheyd sanadkii hore.

Tirada degmooyinka ee aan hoy u heli karin qaxootiga ayaa sare u kacay 23 boqolkiiba.

59 ka mid ah degmooyinka dalka ayaa ahmiyad kowaad siiya qaxootiga guri doonka ah halka 46 degmana ay sheegeen in ay ka shaqeynayaan si gaar ah xaalada guryaha.

/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".