Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabar iswiidhish ah oo ku guuleysatay billad dahab ah ee dhinaca dabaasha

La daabacay tisdag 30 juli 2013 kl 10.03
Sarah Sjöström la jidbeysan farxaddii guusha billadda dahabka. Sawirle: LLUIS GENE/Scanpix.

Sarah Sjöström oo 19 sano jir ah kana socota Iswiidhen ayaa shalay ku guuleysatey 100 mitir ee dabaasha nooca loo yaqaan habka balanbaalista oo lagu qabtay magaalada Barcelona ee dalka Isbeyn.  Waqtiga ay guuleysateyna wuxuu noqday 56,53 ilbiriqsi.

Sjöström, oo waqtigii ugu fiicnaa ku soo gaartey seemifiinaalka, ayaa tartanka si fiican ku bilowday, bartamihii tartankana kaga jirtey kaalinta labaad, laakiin ugu dambeyntii wada dhaaftay dhammaan dadkii la tartamayey oo sidaas ku guuleystaey.

Sarah Sjöström waxay dunida caan uga noqotay markii sannadkii 2009 ka qaaddey billad dahab ah tartankii cayaaraha adduunka oo lagu qabtay magaalada Rooma.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".