Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda Iswiidhen oo malaayiin karoon ku bixineysa magdhaw

La daabacay tisdag 6 augusti 2013 kl 13.46
Sawirle: Anna-Karin Drugge/Scanpix

Dad tiro badan ayaa codsada oo loo oggolaadaa magdhaw laga siiyo xabsi ay u galeen dembiyo gadaal laga ogaadey in aysan gelin, lagana siidaayey. Shantii sano oo ugu dambeeyey ayey aad u soo kordheen dadka dalbanaaya magdhaw. Sannadkaan lixdii bilood oo horreysey waxaa soo gaarey wakiilka dowladda u qaabbilsan arrimaha garsoorka iyo maamul-wanaagga Anna Skarhed in ku dhow kun arji oo lagu dalbanayo magdhaw.

- haa oo waxaan sannadkii bilowgiisa aragnay astaamo muujinaya in codsiyada magdhawgu soo kordhayaan. Kororkaasina sidii ayuu ku sii socda in kastoo uusan ahayn mid aad u weyn, laakiin sannad walbaa waxaannu arjiyada naloo soo gudbiyo ka arkeyney isbeddel koror ah, ayey tiri Anna Skarhed.

Sannadkii la soo dhaafay waxaa arjiyadii magdhawga laga oggolaaday in ku dhow boqolkiiba 90. Lacagtii magdhawga loo bixiyeyna waxay gaareysey 50 milyan oo karoon.

Qof alla qofkii la sii hayey iyadoo dacwo u socoto ama xabsi la dhigay, kadibna waxba lagu waayey oo dembigii lagu eedeeyey laga siidaayey, wuxuu xaq u leeyahay in uu dowladda ka codsado magdhaw.

Go’aanka arrimaha magdhawgana waxaa iska leh wakiilka dowladda u qaabbilsan arrimaha garsoorka iyo maamul-wanaagga. Dadka codsada magdhaw badankoodna xaq ayey u yeeshaan in la siiyo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".