Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guulo Iswiidhen ka fileyso cayaaraha fudud ee adduunka

La daabacay torsdag 15 augusti 2013 kl 11.33

Gabadha bootinta sare Emma Green Tregaro ayaa u gudubtey finaalka cayaaraha ka socda magaalada Moosko ee dalka Ruushka. Emma waxay isku daygii hore ee bootinta keentay 1.92 taas oo ay gabar kale kula qaybsatay kaalinta koowaad ee loogu gudbayo finaalka.

Waxaa sidoo kale u gudbey finaalka Kim Amb oo cayaara waran-tuurka isaguna oo isreebreebkii loogu gudbayey finaalka ka galay kaalinta sagaalaad. Galabta fiidkii saacaddu marka ay tahay 19:20 waxaa tartanka 1500 oo mitir oo fiinaalka ka qaybgeli doona orodyahanka Abeba Aregawi oo asal ahaan u dhalatay dalka Itoobiya. Waxaana lagu rajaweyn yahay in ay ku guuleysato.

Lix sano ka hor ayey ahayd markii ay Carolina Klüft Iswiidhen u qaadday dahabkii ugu dambeeyey oo ay ka qaadato cayaaraha fudud ee adduunka. Hadda ayaa la rajeynayaa in ay Abeba Aregawi taas ka beddesho oo Iswiidhen billad dahab ah u soo hoydo. Sidaasna waxaa tiri kabtab kooxda Iswiidhen Karin Torneklint.

Isha: TT, Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".