Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Barlamaanka Iswiidhen oo ka doodaya farqiga dakhliga bulshada

La daabacay torsdag 22 augusti 2013 kl 13.37

Barlaamnka Iswiidhen maanta waxaa looga doodayaa farqiga weyn ee dhaqaale ee ka dhex jira bulshada Iswiidhen. Doodan ayaa waxaa dalbadey xisbiga bidixda ee Vänterpartiet ka dib markii gu’gii la soo dhaafey uu warabaxin uu soo saarey ururka isbahaysiga dhaqaalaha waddamada hor-u-marey OECD muujiyey in bulshada Iswiidhen farqi dakhli oo weyn ka dhex-jiro ayna korartey saboolnimada guud.

Ulla Anderson  xogahaya siyaasada dhaqaalaha e xisbiga Vänsterpartiet  oo ka warameysey sababta ay doodan u dalbadeen ayaa sheegtey in maamulka dalka ka jira siyaasadiisa ay kordhisey  saboolnimada dadyowga jirada ku qoran, kuwa shaqo la’aanta ah iyo hooyooyinka ilamaha keligood korsada. Kuwaas dhaqaalo ahaan la cinqaabey halka kuwa ladan gaar aahaan raga uu soo galo muushaarka badan siyaasada maamulka dalka ka taliya u hiiliso.  

UlofKristensson wasiirka caymiska Bulshada ayaa dooda Vänsterpartiet ku tilaamey mid laga badabadiyey. waxuuna yeri inkastoo ay jiri karto welwel ku sabsan arimahan hadana waxaa haboon in la tartiibsado marka arimahan laga hadlayo. Tirobyo badan ayaa jira oo muujinayaan in sinaanta iyo wax qaybsiga Iswiidhen uu yahay mid aad u wanaagsan. Laakiin mararka qaar wey jiraan tirooyin muujiya in sannadyada qaar  ay hoos dhacaan arimahaan. waxeyn marark qaar sidaas u noqoto ayaa haboon in aan ka doodno, ayuu yeri.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".