Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhen oo soo qaatey qaxooti eriteriyaan ah oo Israa’iil ku xayirnaa

La daabacay onsdag 8 januari 2014 kl 13.51
Sawirle: Ariel Schalit/AP

Dalka ayaa Israa’iil ka soo qaatay 50 qof oo qaxooti u dhashay dalka Eritereeya oo halkaas ku sugnaa. Waxaana qaxootigaas loo soo qaatay hay’adda  Qaramada Midoobey u qaxootigu qoddeydey.

Maalmo badan ayey magaalada Tel Aviv ka socdeen bannaanbaxyo ballaaran oo ka qaybqaateen qaxooti Afrikaan oo tiradoodu kor u dhaaftay toban kun oo qaar ka mid ahi ay eriteriyaan yihiin. Bannaanbaxyadaasna waxaa waxaa looga ashtakoonayey siyaasadda soogalootiga ee Israa’iil.

Dalka Israa’iil ayaa lagu dhaleeceeyey habka ay u maareyso codsiyada magangelya-doonka ka soo jeeda qaaradda Afrika. Dhanka kale, Oded Feller oo ka socda urur u dooda xuquuqda muwaadiniinta ayaa sheegay ”in hadda ay Iswiidhen qadato konton qaxooti ah ay muujineyso oo qura in dalka Israa’iil uu yahay dalka qura oo aan dadka magangelya-doonka oo Eritereeya ka yimaada u aqoonsaneyn qaxooti, iyo in aysan dalal kale ee dunidu Israa’iil u arkin dal ka soo baxa waajibaadka ka saaran qaraarka qaxootiga ee Qaramada Midoobey.”

Dadka magangelya-doonka ah oo ay Iswiidhen hadda soo qaadatay waxay u badan yihiin dumar badankood horay loogu gestey jirdil iyo jir-ka-ganacsi muddadii dheereyd ee ay ku sugnaayeen Israa’iil.

Isha: Haaretz

http://www.haaretz.com/news/national/1.567450

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".