Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof kale ayaa laga helay bakteeriya halis ah oo xiidmaha gasha

La daabacay torsdag 9 januari 2014 kl 09.45
Sawirle: TT

Waxaa la soo weriyey in qof kale oo uu qaaday bakteeriyada halista ah oo horay u sababtay in uu ugu dhinto ugu yaraan hal qof lagu hayey isbitaalka weyn ee Växjö.

Qofkaan hadda u xanuunsaday bakteeriyadaas oo ku sugan magaalada Kalmar wuxuu noqonayaa qofkii afraad ee laga helo bakteeriydaas. Waxaa la tuhunsan yahay in ay laba qof u dhinteen.

Nooca bakteeriyaan oo lagu magacaabo Clostridium difficile waxay badanaan asiibtaa waayeelka iyo bukaanka taagta daran oo lagu la tacaalay daawada antibiyootikada. Qofka bakteeriyadaan qaaday waxaa lagu gartaa xummad sare iyo shuban badan.

Baaritaan uu sameeyey wargeyska Läkartidningen waxaa lagu muujiyey in faafidda bakteeriyadaan lagu xaddadi karaa in nadaafadda loo isticmaalo daawada klorin. Golaha maamulka gobolka Kronoberg ayaa idaacadda Raadiyaha Iswiidhen u sheegay in ay si dhab ah u gudageli doonaan habka ay u shaqeeyaan si loo joojiyo fididda bakteeriyadaan.

– Waxaan hadda dejinney hab aan ugu magacdarnay nidaamyada nadaafadda oo aan ku nadiifineynno qolalka iyo sariiraha si aysan bakteeriyadaasi u faafin. Sidaasna waxaa yiri Martin Myrskogo o ah ku simaha agaasimaha golaha gobolka Kronoberg.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".