Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Xisbi cusub oo masiixi ah oo ka soo horjeeda ilmo-soo-xaaqidda

La daabacay torsdag 9 januari 2014 kl 12.46
Mats Selander oo ka mid ah asaasayaasha xisbiga cusub ee Kristna Värdepartiet. Sawirle: Privat

Xisbi cusub oo masiixi ah ayaa hadda ku hawllan soo ururinta dadka taabacsan si uu uga qaybgalo doorashada qaranka oo dhici doona bisha Sebteember. Xisbigaan oo loogu magacdaray Xisbiga afkaarta masiixiyadda ayaa la asaasay maalintii sabtida e ena soo dhaaftay, wuxuuna ka soo horjeedaa in haweenka uurka leh laga soo xaaqo ilmaha haddii uusan uurkaasi khatar ku ahayn naftooda. Wuxuu kaloo ka soo horjeedaa in dadka khaniisiinta ahi ay is guursadaan iyo in ay soo kaxaystaan carruur ay korsadaan.

Mats Salander oo ka mid ah dadkii asaasay xisbigaan ayaa idaacadda P4 u sheegay in ay rajeynayaan in ay codad ka soo qaataan dadka u codeeya xisbiyada Sverigedemokraterna iyo Kristdemokraterna.

- Waxaan rajeyneyney in xisbiga Kristdemokraterna uu ku shaqeeyo afkaarta aan u aragno in ay gundhigga u yihiin, kuwaa oo ah qiimaha bani aadanka iyo sida loo arko ilmaha aan weli dhalan. Arrimahaas marar badan ayey ku ceeboobeen. Waxay noogu muuqataa in ay go’aansadeen in ay ku socdaan waddadaas qaldan. Taas ayaana nagu kalliftay inaan aragno baahida loo qabo xisbi cusun oo masiixi ah oo dimoqraadiyad ku dhisan, ayuu yiri Mats Salander.

Isha: Sveriges Radio, P4 Extra, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".