Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Madax sare ee SD ka tirsan oo ka dambeeyey hadal ku saabsan kufsiga

La daabacay fredag 10 januari 2014 kl 15.00
Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Afhayeenka xisbiga Sverigedemokraterna u qaabbilsan siyaasadda sharciyada Richard Jomshof ayaa taageeray hadalkii ahaa in "kufsigu waa mid aad xididdada ugu haya dhaqanka islaamka ", sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska Blekinge Läns Tidning.

Hadalkaanna waxaa markii hore ku qoray bogga Facebook Michael Hess, oo ah guddoomiye ku xigeenka ee xisbiga SD laantiisa uga furan degmada Karlskrona.

Arrintaan waxaa ka caroodey raysalwasaaraha Fredrik Reinfeldt (M) iyo wasiirka arrimaha bulshada Göran Hägglund (KD).

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".