Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga S in uu dhimo kharashyada ku baxa hay’adaha dowladda

La daabacay fredag 10 januari 2014 kl 18.00
Hoggaamiyaha xisbiga S Stefan Löfven iyo afhayeenka arrimaha dhaqaalaha Magdalena Andersson. Sawirle: TT.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in ay dhimaan kharashyada ku baxa hay’adaha si loo kaydiyo lacag gaareysa 12 bilyan, haddii ay ku guuleystaan doorashada dhici doonta xilliga dayrta foodda nagu soo haysa.

Waxaa tusaale lagu daydo u ah dalka Daanmark oo dejisey hadaf ah in la kaydiyo 12 bilyan oo laga helo hawlo hay’adaha oo la casriyeeyo.

Xisbiga Socialdemokraterna wuxuu rajeynayaa in halkaas ka soo baxdo lacag gaareysa toban bilyan oo lagu maalgeliyo ballankii xisbigu u qaaday in dhallinyarada shaqa-la’aanta loo qabto 90 maamlmood oo la micne ah in uusan qof dhallinyaro ahi shaqa-la’aan noqon waqti ka badan saddex bilood, iyo la yareeyo tirada ardayda fasalada dugsiyada hoose/dhexe.

Xisbiga Moderaterna ayaa siyaasaddas u soo jeediyey dhaleeceyn, iyagoo u arka in cawaaqibka hindisahaani uu yahay mid ballaaran maadaama ay ka iman karto in kumanaan shaqaale ahi ay shaqooyinkooda lumiyaan in hay’ado badan oo dowladda albaabada la isugu dhufto.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".