Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Musuqmaasuq ayaa loo arki karaa in meel lagu wada xafladeeyo

La daabacay måndag 27 oktober 2014 kl 12.00
Sawirle: Fredrik Sandberg / SCANPIX / TT.

Hayadda qasabka ku soo celisa deeymaha ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Kronofogden laanteeda dul-socodka ee magaalada Istockholm ayaa lagu dhaleeceeyey iney muddo sanooyin ah abaabuli jirtay kulammo ey ku jireen cashooyin o omararka qaarkood ey ka mid ahaayeen xaflado baararka lagu dhigo ee doomaha damaashaadka ee Finland lagu tago ee shaqaalaha hayadaha dawladda iyo shirkadaha howshoodu tahay iney la wareegaan shirkadaha busaaradda gala.

Sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN) iyo in sida ay sheegeen warar hoose oo middaa laga heley in kulammadaa lagu isticmaali jirey khamriga. War-geeyska oo la xiriirey culimmo xeerarka ku takhasusay ayaa ka mideey-san inay salka ku heeyso laaluush. Howl-wadeennada hayadda Kronofogden waa kuwii dusha ka ilaalin lahaa shirkadaha la wareega shirkadaha busaaradeeysta. Hayaddu waxey sidoo kale awood u leedahay inay dhinto mag-dhowga la siiyo ama shirkadda ka qaaddo howsha ah la wareegidda shirkadda busaaradeeysata, haddii aanay howsha uga soo bixin sidii looga fadhiyey.

Hase yeeshee maahan shirarka waxa dhibaatadu ka iman karto ee kullammada cashada ee khamrigu ku lammaanan yahay, sida ay sheegtay Helena Sundén ahna agaasimaha guud ee machadka ka hor-tagga musuqmaasuqa oo u warrameeysay laanta wararka ee Ekot:
- Cidda laga hadleyo waa dadyoowgii ey hayaddu dul kala socodka ku hayn lahayd, markaa waa in laga fekero in falalkaasi yihiin kuwo howsha u wanaag-san iyo khamri lagu wada mushtaaxo. Waxaa jirta halis ah in bulshadu u fahanto iney waxyeeleeyn karto howlaha hayadda, middaa ayaana dhibaato ugu filan.
- Ma kuu muuqdaan in xadkii laga gudbey?
- Way jirtaa halista, mar haddii cid kale u aragto in saameeyn la isku sameeyn karo, intaa ayaa xummaan ugu filan.

Isha /Ekot,DN

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".