Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven: Way naga go'an tahay inaan Falastiin Ictiraafno

La daabacay måndag 27 oktober 2014 kl 13.15
Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Dawladda ayaa maanta ku war-gelisay guddiga arrimmaha dibadda iyo in dhowaantan uu dalkani qaadan doono go'aanka kama dambeeysta ah ee ictiraafka dalka Falastiin, sida uu Stefan Löfven ka sheegay kulankii uu guddiga la yeeshey.

Xisbiyada mucaaradka ee Midigta ayaa ku dhaleeceeyey dawladda go'aankeedan iyagoona aamin-san inuu jebinayo xeerkii dhabba-tuska ee u yiilay iyo habka loo ictiraafo dawlad.

Stefan Löfven ayaa qudbaddiisii siyaasadda ee dawladdiisa ku qeexay inay dawladdiisa ka go'an tahay inay ictiraafto Falastiin - ereyadaasina oo guux badan ka dhaliyey dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku dhaleeceeyey Löfven inaanu marka hore kala tashan ictiraafka xubnaha guddiga arrimmaha dibadda.

Isha /Ekot

                                                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".