Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sharci cusub oo lagu mabnuucayo ku biiridda ururrada argagixisada

Publicerat onsdag 29 oktober 2014 kl 09.56
Sharciga dalka Sweden. Foto: Jessica Gow/TT.

Waxa la samayn doonaa sharci cusub oo lagu mabnuucayo dadka Iswiidhishka ah  ee ka garab dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ee dibadda. Sidaasi waxa sheegtay wasiirka caddaaladda Morgan Johansson (S).

Wasiirka ayaa waraysi uu siiyay jarriiradda Sydsvenskan u  sheegay in ay dambiilayaan u aqoonsan doonaan dhammaan dadka ka qaybqaata tababarada iyo gadaallada ay ku jiraan ururrada argagixisada ay u aqoonsatay qaramada midoobay.

Inkasta oo uu wasiirku ku cusub yahay shaqadan, haddana waxa uu ku dhiirraday in uu arrinkan xaasaasiga ah ee argagixisada lagu xakamaynayo  ka hadlo. Waxaanu wasiirku sheegay in sharcigan cusub si degdeg ah looga xaajoon doono, miiskana  la soo saari doono  sannadka 2015.

Morgan Johansson ayaa arrintan aad uga hadli jiray intii aanu wasiirka noqon ee uu afhayeenka dhanka siyaasadda sharciga ee xisbiga Socialdemokraterna. Inkasta oo wasiirku sheegay in ay sharci adag ka soo saari doonaan arrintan haddana waxa la odhan karaa in ay wakhti qaadan doonto inta uu sharcigani dhaqangalayo.

Waxa dhanka kale xusid mudan in waddanka Norway ay  ka socoto dood ah in qofka ka qaybgala dagaalada argagixiso lagala noqdo sharciga muwaadinimada.

Xigasho: SR

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".