Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haayadda Sida oo 47,5 milyan u qorshaysay cudurka ebola

Publicerat onsdag 29 oktober 2014 kl 13.00
The ebola virus. Photo: AP.

Haayadda Sida oo lacag dhan 47,5 milyan ugu deeqday sidii loo xakamayn lahaa cudurka ebola. Lacagtan ayaa loogu talogalay in lagu sameeyo xarumo caafimaad, goobo la jiifiyo dadka uu cudurku soo ritay iyo waliba shaqaalaha  tirada badan ee ka hawlgalaya sidii loo xakamayn lahaa cudurkan.

Sida waxa ay sheegtay in lacagtan loo kala qaybin doono shan urur oo laba ka mid ahi Iswiidhish yihiin. Labadaa urur baa kala  ah ururka badbaadada carruurta (Rädda Barnen) iyo haayadda laanqayrta cas ee Sweden(Svenska Röda Korset).

Lacagta ay ilaa hadda haayadda Sida ugu deeqday sidii loo xakamayn lahaa cudurka ebola waxa ay gaadhaysaa 186 milyan oo karoon, waxaanay taasi ka dhigan tahay in lacagta guud ee ilaa hadda ay Sweden cudurkaasi ku bixisay tahay 536 milyan oo karoon.

Lacagtan cusub ayaa loo kala qaybin doonaa shanta urur ee kala ah: Haayadda badbaadada carruurta ( Rädda Barnen), haayadda laanqayrta cas ee Sweden (Svenska Röda Korset), haayadda Plan, haayadda Action Contre la Faim iyo guddida badbaadada caalamiga ah ee ka shaqaynaysa waddamada Guinea, Sierra Leone och i Liberia.

Xigasho/ TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".