Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oo noqotay dalkii EU ugu horeeyay oo ictiraafa Falastiin

La daabacay torsdag 30 oktober 2014 kl 08.48
Wallstöm: Xaqdaro xag ma dhasho
(4:12 min)
Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström (S). Sawirle: TT. Montage: Sveriges Radio.

Dawladda Iswiidhen ayaa maanta lagu wadaa inay gaarto go'aanka ictitraafkla dalkan ee dalka Falastiin iyo inuu yahay waddan madax-bannaan, sida ay war-geeyska Dagens Nyheter DN saaka ku qortay maqaal Margot Wallström (S), ahna wasiirka arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen.

- Waa tallaabom muhiimad ku fadhida in shacabka Falastiin ey ogsoonaadeen iney xaq u leeyihiin aayahooda iney ka taliyaan, sida ay wasiiraddu maanta ku qortay maqaalkeeda bogga doodda ee war-geeyska DN.

Inkasta oo go'aanka dawladda ey dhaleeceeyeen xisbiyada mucaaradku ayay haddana caddaatay wixii ka dambeeyey isniintii in adhaaftay oo dawladdu kulan la qaadatay guddiga arrimmaha dibadda ee baarlamanka sidii ey middaa ugu war-gelin lahayd in dhowaantan ay xukuumadda dalku ictiraafi doonto Falastiin inuu yahay waddan xor ah oo lugihiisa ku taagan.

Jan Björklund, hoggaamiyaha xisbiga Shacabka (FP) ayaa sheegay in go'aanka dawladdu yahay mid lagu degdegay oo aan miisaanayn. Hase yeeshee maanta lagu dhawaaqay ictiraafka Falastiin oo muddo iminka laba sannadood ku dhowaad ay ka soo wareegtay sannadkii 2012 uu ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey (QM) kor u qaaday maamuuska qowmiyadda Falastiin, lana gaarsiiyey maamul kursi ku leh QM, balse aan cod ku lahayn.

Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Margot Wallström ayaa sidoo kale maqaalka ay ku daabacday war-geeyska DN in dawladda ay xubinta ka tahay ui aragto in Falastiin buuxisay shuruudihii xuquuqda shacabka sidii loogu aqoon-san lahaa waddan gooni u taagan.

Maqaalka bogga doodda ee DN ayay wasiiraddu ugu dambeeyn ku sheegtay in goolka ictiraafka dawladda Iswiidhen ee Falastiin yahay sidii ey si ammaan oo deris-nimo ku dheehan tahay ugu wada noolaan lahaayeen waddammada Falastiin iyo Israa'iil iyada oo mid waliba uu midka kale xuduuddiisa ictiraaf-san yahay.

Källa-Ekot

                                                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".