Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Falalkii xabadeeynta oo halkoodii ka sii socda

La daabacay torsdag 30 oktober 2014 kl 11.00

Inkasta oo ciidanka ammaanka dardar-geliyeen hoowlahooda ayey haddana halkoodii ka sii socdaan falal dembiyeedyada la isu adeegsaneyo xabadaha ee ka dhaca saddexda magaalo ee dalka ugu waaweyn. Sannadkan eynu ku jirno ayey illaa iminka ka dhaceen 208 fal xabadeeyn magaalooyinka Malmö, Göteborg iyo Stockholm, halkaasina oo ey ku geeriyoodeen 14 ruux illaa iminka.

- Ma doonayo in xabbad dheeri ah ey ka dhacdo magaalada Malmö. Waa fal welwel mar kasta laga qabo inuu shakhsi dheeri ah ku dhaawacmo, sida uu sheegay Mats Karlsson, ahna madaxa howl-galka ciidanka ammaanka ee magaalada Malmö.

Ciidanka ammaanka magaalada Malmö ayaa illaa iminka sheegay iney magaaladaasi ka dhaceen falal xabadeeyn oo gaarsiisan 90 intii sannadka lagu jiray. Tiradaa ayaa ku soo dhowaanaysa middii sannadkii ka horreeyey oo ey ka dhaceen falal xabadeeyn oo gaarsii-san 109, iyadoo ey sannadkii ka dhiman yihiin laba bilood. Halka weliba horraantii sannadka lagu tallaabsadey qorshihii Olivia ee looga hor-tegeyo falalka xabadeeynta.

Hase yeeshee aanu Mats Karlsson aaminsanayn in go'aan guud middaa laga gaari karo weli.

- In lagu guuleeystey ama lagu guul-darreeystey waa wakhti hore in la sheego. Waayo waxaan horraantiiba ku talo-galeeyney in qorshahani yahay mid mustaqbalka fog wax looga qabaneyo., oo aaney ahayn falal si sahlan xal looga gaari karo, sida uu sheegay.

Källa-Ekot

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".