Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Mashiinno aan ammaan aheyn

La daabacay torsdag 30 oktober 2014 kl 12.00
Sawirle:Steven Kreuzer/Flickr

Qaar badan oo ka mid ah mashiinnada wax lagu daabaco, sawirrada lagu qaado iyo elektroonikada kale ee guryaha lagu haysto, isla-markaana ku rakiban kombiyuutarrada ayaan laheyn fureyaal lagu xiro waxa loo yaqaanno - Lösenord. Sidaa daraadeed ayey u noqon karaan aalado ey cid walba qayb ka noqon karto, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter DN.

Ammaan-darro ballaaran ayaa lagu qabaa mid ka mid ah mashiinnada wax lagu daabaco ee loogu iibsiga badan yahay, kaasina oo ay suurtagal tahay inuu u furan yahay badda internet-ka iyo cid walba loona baahan yahay oo keliya in lagu qoro adreeska internetka ee kombiyuuterka bog caadi ah ee internet-ka.

War-geeyska ayaa soo iibsaday mashiinka wax lagu daabaco oo ku rakibay kombiyuuterka, dabadeed wuxuu saaray mashiinkii sawir si loo daabaco. Goob saddex kiiloomitir u jirta oo uu ku sugnaa weriye war-geeyska ka howl-gala, isagoona kombiyuuter caadi ah oo uu haystay kala socday sawirkii goobta saarnaa.

Kadib war-geeyska oo middaa ku eegay dhammaan cinwaannada IP-ga Iswiidhen ayuu helay 756 oo ah nooca mashiinnada wax lagu daabaco ee uu raadinayay, kaamerooyinka bogagga internet-ka eek u rakibnaa internet-ka.

Isha /TT

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".