Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaale laga ruqseeyey adeegyada jidadka tareemmada

La daabacay torsdag 30 oktober 2014 kl 15.00
Dhabbada xadiidka dad-weynaha. Foto: Göran Fält, Trafikverket/Banverkets bildarkiv

In kasta oo siyaasiyiin badani ballan-qaad ku bixiyeen sidii miisaaniyad dheeri ah loo gelin lahaa dib u habeeynta waddooyinka xadiidka tareemmada ayaaney haddana shirkadaha ku howl-gala adeegyadaa aaney haddana weli ka soo yeerin wakaaladda waddooyinka ballan-qaadyo la xiriira qandaraasyo noocaasi ah.

Balse shaqooyinkii laga eryey ama ey ka dhammaadeen boqolaal ka mid ah shaqaalaha ka howl-gala shirkadaha adeegyadaa.

Shirkadda dawliga ee lagu magacaabo Infranord, oo gacanta ku heeysa badankood adeegyada dhabbooyinka xadiidka tareemmada ayaa labadii sannadood oo ugu dambeeyey shaqada ka ruqseeysay shaqaale gaarsii-san 600, halka ay dhowaantan bishii sebteembar ay shirkadda labaad ee adeegyadaa ku howlan ee lagu magacaabo, Strukton rail ay shaacisay inay shaqada ka ruqseenayso 50 ruux, middaasina ugu wacan tahay qandaraas-darro shirkadda la soo gudboonaatay.

Miisaaniyada dheeriga ah ee siyaasiyuunu ballan-qaadeyaan ayaan ahayn mid soo gaadhay howl-wadeennada dhabbooyinka xadiidka tareemmada, sida uu sheegay Jörgen Lundström, oo u hadlayay ururka daladda shaqaalaha ee Seko:

Isha /Ekot

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".