Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadyoowga qabatima aaladda mobaaylka xilliga safarrada

La daabacay torsdag 30 oktober 2014 kl 17.15

Saddexdii ruuxba mid oo ka mid ah bulshada iswiidhishka oo wax laga weeydiiyey ayaa sheegay inuu ka door bidi lahaa in boorsadiisa safarka ay ka lunto halkii mobaaylku uu ka lumi lahaa muddada uu safarka ku jiro. Sida ku caddaatay baaritaan ey sameeyeen laba ka mid ah shirkadaha dal-xiiska abaabula oo ey ka sameeyeen waddammo dhowr ah.

Bulshada iswiidhishka ayaa bar kula xiriira qaraabadood aaladda mobaaylka, halka ay 36% ugu baahdaan qalabkaa talooyin iyo waayo-arag-nimo dheeri ah muddada ey safarka ku jiraan. Halka afartii ruuxba mid uu sheegay in aaladaha mobaaylka ee kala duwani u sahleyaan sidii ey safarradooda ugu qorsheey-san lahaayeen ugana dhigi lahaayeen kuwo is-bedbedela.

Isha /TT

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".