Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaabilada qaxootiga oo si siman loogu faafinayo waddanka

La daabacay fredag 31 oktober 2014 kl 11.30
Si siman ha loo qaabilo qaxootiga
(0:52 min)
The Swedish Migration Board. Photo: Anders Wiklund/SCANPIX

Hey’adda qaabilsan tartanka ee Konkurrensverket ayaa xal u heshay dhibaatada ah in maamulada degmooyinka yar yar mar mar lagu khasbo in ay qaabilaan qaxooti ka badan midka ay qaabilaan maamulada degmooyinka waaweyni

Ilaa hadda ayaa Laanta Socdaalku ay boosas ka iibsatay xeryaha ugu qiimaha jaban,sida sharcigu dhigaayo. Xeryahaas oo badana dhaca degmooyinka yar yar. Middaas oo khasbaysa in ay qaabilaan qaxooti faro badan iyada oo aan loo eegin in meeshaasi ay leedahay iskuul ama goob lagu xanaaneeyo caruurta.

Arrinkan oo ay hore uga biyo diideen maamulada degmooyinka yar yar iyo Laanta Socdaalkuba ayaa hadda hey’adda qaabilsan tartanku ay soo jeedisay in Laanta Socdaalku ay wax ka bedeli karto hawsheeda iyada oo aan jebin sharciga. Hey’adda tartarnka ayaa soo jeedinaysa in la eego fursadaha iyo in degmada la geynayo qaxootiga ay leedahay iskuul, goobaha xanaanada caruurta iyo goob daryeel caafimaad, ee aan la eegin uun in maamulka degmadu uu qaxootiga siinayo hooy qudha.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".