Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka aan dalka laga masaafurin karin oo soo batay

La daabacay fredag 31 oktober 2014 kl 15.25
Magengeliyo doonka aan la masaafurin karin
(2:50 min)
Dadka sawirkan ka muuqada ma quseyso arrinbkan. Musa Suleman oo dhexda ku jira iyo labo kale oo magangeliyo doon ah oo la dajiyey xero qaxooti oo ku taala magaalada Strängnäs. Foto: Carl Bergmansson/Sveriges Radio.

Sideedii sanno ee ugu danbeysey waxaa afar jibaarmay magangeliyo doonta loo diidey deganaansha dalka balse aan dalka laga masaafurin karin.

Arrintan waa dhibaato weyn sida uu yeri Carl Bexelius oo dhanka sharciyada u qaabilsan laanta socdaalka.

- Waxaan arkeynaa in ay saa’id u kordheen, inkastoo aanan tirada maskaxda ku heynin, laakiin wax lala yaabo ma ahan in ay sidaas arrin tahay, ayuu yeri Carl Bexelius.

Laga soo billaabo sannadkii 2006 tirada magangeliyo doonka sharciga loo diidey balse aan dalka laga masaafurin karin ayaa kor uga kacay 1000 oo imminka cago cageysneysa 5 000 oo ruux.

 Dadkan ayaa marka la damco in la masaafuriyo waxaa iska diida in ay qaabilaa waddamadii ay ka soo jeedeen.

Sababta ay shantii sanno ee ugu denbeysey u soo badatay tirada kooxdan aan dalka ka shaqeynin oo aan hoyna ku heysan ayaa ah go’aan ka soo baxay maxkamadda socdaalka, sida uu sheegay Carl Bexelius oo dhanka u qaabilsan laanta socdaalka.

Ka hor go’aankan maxkamadda laanta socdaalka ruuxa ay suurtoobi weydo in lagu masaafuriyo afar sanno gudaheed waxuu ugu dabeyn la siin jirey sharciga deganaansha dalka, laakiin imminka dadkan ayaa ku soo dhacay meel cidlo ah illaa iyo inta booliska uga suurtoobeyso meel marinta amarka masaafurinta. Waa dhibaato xalkeeda uusan sahlaneyn ayuu leeyahay Carl Bexelius.

- Waxaan qabaay in ay tahay su’aal la xiriirta khayrad iyo ahmiyad siin, ugu danbeyna dabcan su'aal siyaasadeed haddi la doonaya in lacago dheerad ah la siiyo booliska si ay arrimahan uga shaqeeyan, laakiin dabcan ma jiraan xalal sahlan, ayuu yeri.

Xisbiga Bidix oo dhaleeceyna arrinkan

Afhayeenka xisbiga Vänsterpartiet ee arrimaha socdaalka Cristina Höj Larsen ayaa aad u dhaleeceysan dad badan lagu hayo xaaladan, waxayna qabtaan in dib u eegis lagu sameeyo sharciga qusheeya shisheeyaah si ay dadyowgan u helaan fursad ay ku degaan dalkan ugna shaqeyntaan inta magangeliyada sugayaa, sidoo kale waxay dooneysaa in dib eegeysi lagu sameeyo inta uu ruuxa sugi karo sharicga degnaaanshaha.

- Caqli gal mahan in dadkan sidaas ku noolaadan bulsahdana uma wanagasna in ay jiraan dadka bulshada inteeda kale ka qoqoban ayey Cristina Höj oo arrimaha socdaalka u qaabilan xisbiga Vänsterpartiet.

 Radio Sweden ayaa isku dayey in arrintan wax ka weydiiyo wasiirka cusub ee qaabilsan arrimaha socdaalka Morgon Johansson laakiin illa iyo weli nooma suuro gelin

                                                     

                                                                     Warsame Elmi

                                                                   Warsame.elmi@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".