Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dirawaladu tareenku ma sheegaan cilladda tareenka la soo derista

Publicerat tisdag 4 november 2014 kl 11.00
Dabka ka dhasha waddada uu tareenku maro.

Dirawalada tareenadu inta badan  wargelin kama bixiyaan dabka ka dhasha waddada uu tareenku maro. Sidaasi waxa idaacadda Ekot u sheegay mid ka mid ah dirawalada tareenada.

Waxa kale oo iyana taa sii xoojinaysa daraasad cusub oo ay soo saartay jaamacadda Umeå kuna saabsan ammaanka tareenada. Rebecca Forsberg oo ah cilmi-baadhe dhanka  tareenada ah  ayaa sheegtay in ay xaalad iska caadiya noqotay in tareenadu xumaadaan. Rebecca waxa ay sheegtay in aanay dirawaladu inta badan sheegin wixii cilad yar ah ee jira maaddaama oo ay aaminsan  yihiin in ay wakhti dheer qaadanayso in ciladdaa farsamo la xaliyo.

Dirawalada tareenadu waxa ay aaminsan yihiin in raaligelinta dadka rakaabka ahi ka horayso waxkasta, maaddaama oo uu jiro tartan badan oo dhanka shirkadaha ahi. Taasina waxa ay keeni kartaa in la ilaawo ammaankii tareenada.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".