Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Bandhiga filimaanta Stockholm oo berri bilaabmi doona

Publicerat tisdag 4 november 2014 kl 15.00
Bandhiga filimaanta Stockholm oo berri bilaabmi doona. Foto: Frank Radosevich/SR.

Berri oo arbaco ah waxa magaalada Stockholm si rasmi ah uga furmi doona bandhiga filimaanta Stockolm. Sida uu sheegay Git Scheynius oo ah maamulaha bandhigani, waxa la soo bandhigi doonaa filimaan badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee dunida.

 Git waxa uu sheegay in ay mihiim gaar ah u leedahay in ay soo bandhigaan filimaan badan oo lagu sameeyay waddamo badan oo aan Sweden ahayn, waxaanu sheegay in ay tani tahay fursad weyn. Git Scheynius ayaa sheegay in ay mihiim tahay in wax laga barto nolosha iyo dhaqamada dalalka kale ee adduunka ku yaalla, isaga oo arrintaa sharaxayana waxa uu ku tilmaamay bandhigan in uu yahay daaqad laga daawan karo dunida.

Bandhiga filimaanta ee Stockholm waxa uu u dabbaaldegayaa sannadkii 25 aad, waxaana sannadkan lagu soo bandhigi doonaa 201 filin oo ka kala socda 60 dal oo adduunka ku yaalla. Bandhigan oo socon doona hal toddobaad ayaa waxa la daawan doonaa 500 muuqaal, iyada oo lagu soo bandhigi doono 9 shaneemo.

Bandhigan weyn waxa ka soo qaybgali doona marti badan iyo dad badan oo filimaanta sameeya oo caan ah. Fannaanka maraykanka ah ee Uma Thurman iyo Filinsameeyaha ingiriiska ah ee Mike Leigh ayaa ka mid ah martida bandhiga ka soo qaybgali doonta. Uma Thurman iyo Mike Leigh ayaa ku guulaystay abaalgudka uu bandhigani bixiyo.

Bandhigan waxa lagu soo bandhigi doonaa filin cusub oo ka hadlaya budhcad baddeedda Soomaaliya. Filinkan oo magaciisa la yidhaa Fishing without nets, oo micnihiisu  yahay jillaabasho bilaa shabag ah.

Soo diyaarintii,  Ingrid Forsberg

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".