Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhakhtar looga cabsi qabo inuu cudur ku daartey bukaan socod

La daabacay onsdag 5 november 2014 kl 16.00
Sawirle: TT

Saddex ka mid ah haween uur lahaa oo ilmo ku dhaley isbitaalka jaamicadda Sahlgrenska ayuu ku dhacay cudurka bakteeriyada ee magaciisa loo soo gaabiyo bakteeriyada-MRSA, iyada oo ey haweenkaa asiibeen xanuunno ey ka mid yihiin qandho sare, xanuun iyo sidoo kale nabarro malaxeeysan. Dhallaanka mid ka mid ah ayuu sidoo kale asiibay cudurku.

Haweenka ayaa cudurka ka qaaday dhakhtarkii cirbadda kabuubyada ku mudayay xilligii ey foolanayeen - sida ku caddaatay baaritaan uu cusbitalku sameeyay, iyadoona intaa la raaciyey in dhakhtarku aanu raacin nidaamkii aasaasiga nadaafadda ee cusbitalka.

Hase yeeshee aanay laanta kor-meerka dar-yeelka oo magaceeda loo soo gaabiyo (IVO), oo baaritaan ku sameeysay amuurtan aanay wax dhaleeceeyn ah u soo jeedin dhakhtarka. Bareyaasha ayaa sidoo kale sheegey iney adag tahay in dib baaritaan dhab ah loogu sameeyo dhacdadaa iyo in dhakhtarku aanu ogsoonayn inuu siday cudurka.

IVO ( hayadda kor-meerka ee daryeel iyo caafimaadka) ayaa sheegay in cusbitalku qaaday tallaabooyin looga hor-tegeyo sidii aaney dhacdadaa oo kale dib ugu dhici lahayd.

MRSA waa jeermis jaale ah ee nooca istafylokoker oo aanay waxba ka tarin daawada penicilliin-ka iyo noocyo kale oo antibiyootikada ka mid ah. IVO ayaa sheegtay iney howl-wadeenno badan oo ka howl-gala goobaha dar-yeelka caafimaad ey yihiin sideyaal bakteeriyada MRSA.

Isha /TT

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".