Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwad lagu soo oogi doono askarta Israa'iil.

Publicerat onsdag 5 november 2014 kl 16.57
Ship to Gaza 1105 Musa Final
(4:08 min)
Markabkii caawimada u siday Qasa.Foto: Henrik Montgomery/TT.

Waxa bilaabmay  baadhitaan lagu baadhayo falkii ay askarta Israa’iil u geysteen markabkii  loo yaqaanay Ship to Gaza ee caawimada u siday Falastiin,  sannddadii  2010 iyo 2012. Baadhitaankan ayaa ku soo beegmay xilli ay dawladda Sweden aqoonsatay waddanka Falastiin

iyo waliba xilli uu dawladda cusub uu  wasiir ka yahay  Mehmet Kaplan oo ka mid ahaa dadkii la socday markabkii caawimada u siday Falastiin. Baadhitaankan ayaa la filayaa in uu taageero weyn ka heli doono dawladda cusub. Anna Ighe oo ah afhayeenka ururka Ship to Gaza oo dhacdooyinkan  ka hadlaysaa waxa ay tidhi:

- Sidan oo kale in ay dhacdo may ahayn, waa hab budhcad-baddeednimo.

Taasi waxa ay ahayd Anna Ighe oo ah afhayeenka ururka Ship to Gaza.

 Dhacdooyinkani waxa ay dhaceen laba goor oo ku kala beegnaa sannaddadii 2010 iyo  2012, kadib markii ciidamada milatariga Israa’iil si sharcidarro ah u farogaliyeen markabkii  marayay biyaha caalamiga ah ee caawimada u siday Falastiiniyiinta baahan.

 - Waa wax lala yaabo in markab farogelin loogu geysto biyaha caalamiga ah. Wax muran ahi kuma jiro in markabku marayay biyaha caalamiga ah. Waa qalad in dadkii markabka saarnaa la weeraro, in hantidii markabka saarnayd la dhaco iyo in si qasab ah dadkii markabka saarnaa loo kaxeeyo gudaha waddanka Israa’iil, kadibna la soo mastaafuriyo iyada oo lagu eedaynayo in ay si bilaa sharci ah waddanka ku soo galeen. Tani waa arrin aan caadi ahayn, waana wax lala yaabo. Waa waajib in baadhitaan lagu sameeyo. 

Taasi waxa ay ahayd Anna Ighe oo ah afhayeenka ururka Ship to Gaza. 

20 qof oo Iswiidhish ah iyo ururka Ship to Gaza ( Markabkii Gaza u socday) ayaa dacwad ku oogay afar sarkaal oo ka tirsan ciidamadii Israa’iil ee doonta farogalinta u geystay. Dadkaa waxa sidoo kale dacwaddan ku weheliya qoraaga Henning Mankell iyo Mehmet Kaplan oo ka tirsan xisbiga Miljöparty, ahna wasiir ka tirsan dawladda cusub. Qareenka la yidhaa Henrik Attorp oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi;

 - Waxa aannu bilownay baadhitaan aannu ku samaynayno dhacdooyinkii foosha xumaa ee kala dhacay sannaddadii 2010 iyo  2012, ee jidhdilka, handadaaddda iyo boobka loogu geystay ergadii caawimaadda u sidday dadka baahan ee reer Falastiin. 

Baadhitaankani waa mid horseedaya in dhammaan la maqlo dhibanayaashii waxyeelada loo geystay, sidaasi daraadeed Henrik Attorp ma rabo in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo haddii ay jiraan dad kale oo  dhacdadan looga shakisan yahay maaddaama oo arrintani khusayso askarta Israa’iil. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; 

- Hadda ma rabo in aan dhexgalo  sida aannu baadhitaankan u fulin doono.

 Kaasi waxa uu ahaa Henrik Attorp.

 Mar kale  Anna Ighe oo ah afhayeenka ururka Ship to Gaza oo arrintaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi:

 Laakiin haddii qareenku go’aansado in dacwadda la gudogalo, waxa ay taasi u baahanaysaa in ogolaansho laga helo dawladda. Maxaa yeelay danbigani waxa uu ka dhacay meel ka baxsan Sweden, dadka dacwadda lagu soo oogayaana maaha dad Iswiidhish ah. Dawladdan cusubu taasi fursad weyn bay u haysataa maaddaama oo dawladdu isku dhan uga soo jeeddo arrinta Falastiin.

 -  Waxa jira hab kale oo daacadnimo iyo toosnaan ba leh oo lagu gali karo arrinta Falastiin. Dawladda Sweden si weyn bay u danaynaysaa arrinta Falastiin, sida ay dawladdu sheegtayna waxa ay rabtaa in la helo dadka reer Falastiin  oo nabad, caddaalad iyo sinnaan ku nool. Waxaan anna u malaynayaa in ay wax fiican tahay. 

Waxa ay rajaynaysaa in dacwaddaasi la gudogalo. Waa arrin mihiim u ah sharciga xuquuqda caalamiga ah  ee bini aadamka.  Anna Ighe iyada oo arrintaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi; 

- Waxa aan u malaynayaa in ay mihiim tahay in la xaqiijiyo in ay xuquuqda aadamuhu shaqaynayso. Inta badan waxa aynu ka hadalnaa markabkii caawimada u siday Gaza, waxa dhanka kale hadafkeennu yahay sidii aynu uga shaqayn lahayn in bariga dhexe uu noqdo meel xuquuqda aadamaha la dhawrayo.

 Wasiir Mehmet Kaplan ayaa jarriiradda Svenska Dagbladet u sheegay in aanay dhibi ku jirin in ay dawladdu ogolaato in dacwaddan la furo. Wasiirka arrimaha dibadda oo ah wasiirka ay hawshani khusayso ayaan arrintaasi wax faallo ah ka bixin.

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".