Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden way ku adkaan in ay magangelyo doonka Talyaaniga ku celiso

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 09.31
Foto: Beatrice Janzon/SR

Xukun maxkamadeed cusub ayaa laga yaaba in uu dhaliyo natiijo cusub, Maxkamada Midawga Yurub ayaa go’aamisay in Talyaanigu uu marka ugu hoaraysa xaqiijiyo in caruurta iyo qoysaska ay helaan qaabilaad dhamaystiran

Arrinta dacwadan ayaa la xidhiidha waxaa loo yaqaan sharciga Dublin ee ah in qofka magangelyo doonka ahi dacwadiisa lagu eegayo waddanka EU ah ee ugu horeeya ee uu soo gaadho. Middan oo Talyaaniga ka dhigaysa wadada ugu badan ee ay ka yimaadaan dadka  magangelyo doonka ah ee Yurub soo gala, sannadkii hore ayaa la diiwaangeliyay 3 kun oo dacwadood oo noocaas ah.

Hadda ayaa maxkamada Midawga Yurub ee arrimaha bini’aadanimada ay xaqiijisay in ay baahiyo badani ka jiraan Talyaaniga, sidaa awadeedna in loo baahan yahay in arrin kasta sideeda loo sugo.  

Maxkamada ayaa hadda gacanta ku haysa dacwad la xidhiidha qoys wata 6 caruur ah oo u dhashay waddanka Afqaanistaan kuwaas oo inta ay Talyaaniga soo galeen u gudbay waddanka Switzerland. Maxkamada ayaa leh haddii qoyskan dib loogu celiyo Talyaaniga, middaasi waxay jabinaysa xeerka Yurub u yaalay ee mamnuucayay in loo dhaqmo si aan bini’aadantinimo ahayn.

Talyaaniga ayaa in muddo ah lagu dhaleecaynayay in aanay si wanaagsan u qaabilin qaxootiga, iyo weliba in ay ka jirto baahi xaga guryaha ah.

Geesta kale dacwadan ayaa Sweden u xaglisay xaga Switzerland oo ay ku doodaysa in baahiyaha ka jira Talyaanigu aanay ahayn ku baajinaya in qoyskan dib loogu celiyo Talyaaniga.

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".