Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tababar ciidan oo ka bilaabmay Stockholm

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 11.40

Wasaarada gaashaandhiga ayaa ka fulinaysa tababar balaadhan Stockholm. Tababarkan ayaa bilaabmay maanta oo jimce ah, lana filayaa in uu socdo ilaa habeen dambe. Tababarkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya qiyaastii 6 boqol oo qof, waxaana laga dareemi doono qaybo badan oo ka mid ah Stockholm

Tababarkan ayaa looga dan leeyahay sidii difaaci lahaa meelaha bulshada muhiimka u ah. Maddaama oo ay soo xumaanayso xaalada amni ee waddamada ku dhow Sweden, ayaa wasaarada difaacu qaybisay 100 milyan oo koroon oo sare loogu qaadayo diyaargarowga, taas oo macnaheedu yahay in la samayn karo tababaro badan sida uu sheegaayo sarkaal Christer Tistam

Tababarkan ayaa laga yaabaa in uu hakiyo qaybo ka mid ah isu socodka gaadiidka, lakiin waxaan la filayn in la xidho qaybo ka mid ah magaalada Stockholm, sidaas ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga.

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".