Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i ett batterilager med kraftig rökutveckling som följd. Räddningsledare uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Malmöhus.
(Publicerat idag kl 12.55)

Dhaleecayn loo soo jeedinayo dawlada

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 13.40
1 av 3
Elisabeth Dahlin, ordförande i Världens barn Foto: Pressbild/Rädda Barnen
2 av 3
Foto: Bertil Ericsson / TT.
3 av 3
گزارش سازمان ملل در مورد شرایط مادران و کودکان

Dawlada ayaa qorshaynaysa in ay meesha ka saarto gunnadii loogu talo galay sidii lagu taageero caruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ay uga qayb qaadan lahaayeen ciyaaraha xiliyada firaaqada ah. Ururka badbaada caruurta ee Rädda Barnen ayaa ka cabsi qaba in gunnada oo meesha laga saara ay waxyeelay doonto caruurta khatarka ku jirta

Ciyaalka waxay u baahan yihiin waqti firaaqo oo wanaagsan, si qofku uu bulshaawi u noqdo, si uu qofnimadiisu u hore marto, oo uu qofku sameeyo horumar. Sidaa awadeed ayaanu u leenahay waa muhiim in hanti loo helo caruurtan. Sidaa ayay leedahay Elisabeth Dahlin oo ah xoghaya guud ee hey’adda Rädda Barnen.

Ilaa 1dii bishii luuliyo ee sannadka ayaa qoysaska saboolka ah ee caruurta haystaa ay helayeen 3 kun oo koroon oo gunno ah. Lacagtan oo loogu talo galay in caruurtoodu ay qayb qaataan madadaalooyinka la sameeyo waqtiyada firaaqada ah sida dabaasha, qoob ka ciyaarka iyo dheelista kubbada cagta.

Dawlada oo taageero ka helaysa xisbiga Bidixda ayaa  hadda miisaaniyadeeda ku jaangoysay in meesha laga saaro gunnada dhamaadka sannadkan. Kharashka gunnadana lagu kor loogu qaado kaalmada masruufka, ee hore loogu yaqaanay Socialbidrag, oo ah mid lagu taageero qoysaska haysta caruur da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 18 jir.

Si kastaba ha ahaate wasiiradda caruurta Åsa Regner ayaa iyadu difaacday go’aankan dawlada

-Waxaa anaga muhiim noo ah daryeelka guud ee bulshada, waa in loo sinnaada arrimahaas sida ugu macquulsan. Anigu waxaan ka imi qoys sabool ah, sidaa awadeed waa in aan midkan codsada, balse middani waa daryeel guud, ayay leedahay wasiiradda caruurta Åsa Regner.

 Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".