Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiyada xulufada garabka midig ayaa soo bandhigay qaybo ka mid ah miisaaniyadooda

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 14.54
Jakob Forssmed (KD), Annie Lööf (C), Anna Kindberg Batra(M) och Erik Ullenhag (FP). Foto: Fredrik Sandberg/TT.

Xisbiyada xulufada garabka midig ayaa maanta  soo bandhigay qaybo ka mid ah miisaaniyadooda, middaas oo ay ka mid tahay in kharashka laga qaado shaqobiyayaasha shaqaalaysiiya dhalinyarada ka yar 25 sanno la dhimo

Miisaaniyadda xisbiyadan garabka midig soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda si neegaanshaha barnaamijkii RUT- oo aan waxba laga bedelin.

Hindisaha miisaaniyadooda la xidhiidha saylada shaqada iyo shirkadaha ayaa isaguna la mid ah midkii ay ku ololeeynayeen doorashadii ka hor.

Sida laga soo xiganayo Anna Kinberg Batra oo ah afhayeenka xisbiga Moderatka u qaabilsan siyaasada dhaqaalaha. Xisbiyada garabka midig ee mucaaradka ahi waxay soo dhaweynayaan in ay wada hadal kala yeeshaan xukuumada arrimaha la xidhiidha siyaasada tamarta., haddii ay xukuumadu ilaalinayo go’aankii laga gaadhay siyaasada tamarta sannadii 2010. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".