Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin toogasho qudha lagaga jaray Stockholm

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 17.00
Foto: David Hellgren/Sveriges Radio

Nin dhalinyaro ah ayaa toogasho lagu kharaajiyay meel garoon ah koonfurta magaalada Stockholm. Sida laga soo xiganaayo Catharina Nordin oo ah hogaamiyaha xarunta booliska ee koonfurta Stockholm ninkan ayaa toogasho lagu dilay.

Booliska ayaa qaylo-dhaantan helay saaka sagaalkii subaxnimo, ninkan dhalinyarada ah ee la toogtay ayaa waxaa maydkiisa helay qof ka shaqeeya goob ciyaareedkan, sida laga soo xiganayo ciidamada nabadgelyada. Sidaa waxaa ku waramaysa idaacada P4 Radio Stockholm.

Goobtan ayaa imika la xidhay waxaana baadhitaano ka wada farsamo yaqaano.

 Isha:TT/Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".