Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Shakhsiyaadka ugu awooda badan waddankan Sweden

La daabacay fredag 7 november 2014 kl 12.30
Foto: Lars Phrson/TT samt Henrik Montgomery/TT.

Jariirada Fokus ayaa sannadka kasta soo saarta liis dad ay u aqoonsatay kuwa ugu awooda badan waddankan Sweden oo ay ugu magac dartay. ”Shakhsiyaadka ugu awooda badan waddanka”

Sannadka ayaa raysal wasaare Stefan Löfven loo caleemo saaray in uu yahay shakhsiga ugu awooda badan Sweden, liiskan waxaa sidoo kale ka dhex muuqada wasiiradda maaliyada Magdalena Andersson, hogaamiya xisbiga Bidixda, Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt iyo gudoomiyaha Bangiga Qaranka Stefan Ingves.

Sidoo kale waxaa liiskan ku jira hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson oo isaga loo aanaynayo in uu xisbigiisa u horseeday guul weyn doorashadii waddanka ka dhacday, middaas oo xisbigiisu noqday xisbiga saddexaad ee ugu taageerada badan waddankan Sweden.

Halkan hoose ka eeg liiskan oo dhamaystiran

1. Stefan Löfven, Raysal wasaare

2. Magdalena Andersson, Wasiiradda maaliyada

3. Jonas Sjöstedt, Hogaamiyaha xisbiga Bidixda

4. Stefan Ingves, Gudoomiyaha Bangiga Qaranka

5. Jimmie Åkesson, Hogaamiyaha xisbiga SD

6. Gustav Fridolin, wasiirka waxbarashada (MP)

7. Anna Kinberg Batra, Horjoogaha xildhibaanada xisbiga M ee baarlamaanka

8. Karl-Petter Thorwaldsson, Gudoomiyaha urur weynaha shaqaalaha ee LO

9. Åsa Romson, wasiiradda bi’adda iyo cimilada (MP)

10. Annie Lööf, Hogaamiyaha xisbiga Dhexda, Centerpartiet (C)

11. Marcus Wallenberg, Hogaamiyaha guddida fulinta shirkada Saab iyo bangiga SEB

12. Emma Lennartsson,Xoghaya guud ee golaha xukuumada

13. Leif Johansson, Gudoomiyaha guddida fulinta shirkadaha Astra Zeneca iyo Ericsson

14. Mikael Damberg, Wasiirka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo Ikhtiraaca (S)

15. Per Bolund, Wasiirka suuqa maaliyada iyo macaamiisha (MP)

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".