Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaali reer Sweden ah oo lagu dilay Kobane

La daabacay måndag 10 november 2014 kl 11.12
Dagaalo ka dhacay Kobane 12 oktober 2014. Foto: Lefteris Pitarakis/AP/TT

Saddex ruux oo ah soomaali heysata dhalashada Sweden kuna biirey kooxda Daacish ayaa jimacahii lagu dilay duqeyn ka dhacdey magaalada Kobane ee dalka Suuriya. Sidaas waxaa shalay oo axad aheyd qorey wargeyska Expressen oo xiganayey ruux u dagaalama Daacish kuna sugnaa qaybta ay kooxdan magaaladan Kobane ka heysato.

Ragaan soomaalida ah ee dagaalka lagu dilay mid waxuu ka soo jeedaa magaalada Stockholm halka labada kale ay ka soo jeedaan magaalada Göteborg.

Sida wargeyska qorey ragaan soomaalida ah ayaa kooxdan ka mid ahaa muddo ku dhow hal sanno iyo bar. Maalinimadii jimcahii ayaa dayuuradaha Mareykanku duqeeyeen goob ay ragaan soomaalida ah ku sugnaayeen, sidaas ayeyna ku geeriyoodeen sida uu qorey wargeyska.

 - Ninka reer Stockholm waxuu ku sugna furanta waxuuna ku qornaa illaalin. Dayuurad dagaal oo areykanka leeyahay ayaa duqeysey wallaalo u dhwaa, sidaas daraadeed wuu ku soo ordey si uu u caawiyo laakiin asagana waa la bombeeyey, ayuu yeri ruux ka tirsan kooxda Daacish oo u warameyey Wargeyska Expressen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".