Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadaalo waxbarsho oo wax looga qabanayo gudniinka dumarka

La daabacay måndag 10 november 2014 kl 13.22

Maamulka gobolka Västra Götaland ayaa hirgeliyey waxbarsho la xiriirta gudniinka gabdhaha iyo dumarka, iyada oo ujeedaduna tahay sidii qaab wanaagsan loola dhaqmi lahaa gabdhaha iyo dumarka loo geystey gudniin ama qatar ugu jira in loo geysto gudnin.

Waxbrashadan ayaa la siinayaan shaqaalaha ka howlgala xaruumaha caafimaadka, iskuulada iyo garsoorka arrimahan qaabilsan.

– Aqoonta arrintan loo leeyahay waddanka oo dhan way kalo gedisan tahay. Haddi guud ahaan dalka oo dhan la fiiriyo waxaa jira degmooyin arrimahan wax weyn ka qabtay laakiin sida ay wax uga qabtaan iyo aqoonta ay u leeyahiin wey kalo gedisan tahay, ayey tiri Evalina Skog oo ah masuulka waxbarashadan u qaabilsan maamulka gobolka Västra Götland.

Gu’ga soo socda ayaa la filayaa in maamulka gobolka Västra Götland soo saaro dhabo mar ku sabsan sida arrimahan wax looga qaban karo. Maamulka gobolkan ayaa waxa arrintaan u xilsaaray dowladda dalka, howlsha loo xirsaareyna waxaa ka mid ah la hirgeliyo oo la dhiso koox ku xeer dheer oo awood xirfadeed u leh arrimaha la xiriira rabshadaha ku dhisan sharaf dhowrka iyo cadaadinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".