Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryaha dhallinyarada iyo dadka balwadaha leh lagu hayo oo yaraaday

Publicerat onsdag 12 november 2014 kl 17.00
Bostadsområdet Lilljansberget, med adress Strombergs väg, i Umeå. Foto: Lillemor Strömberg/Sveriges Radio.
Guryaha dhallinyarada iyo dadka balwadaha leh lagu hayo oo yaraaday. Foto: Lillemor Strömberg/Sveriges Radio.

Sida ay sheegtay guddida haayada qaranku, waxa yaraaday guryaha lagu hayo dhallinyarada iyo dadka balwadaha leh ee u baahan in la nasiyo. Christer Pedersen oo ah agaasimaha isgaadhsiinta ee guddida haayada qaranka ayaa sheegay in lagu qasban yahay in goobolaha alaabta la dhigto iyo xafiisyo  lagu beddelo guryo la dego.

 Christer waxa uu sheegay in wiilasha da'doodu u dhaxayso 13 ilaa 17 la jediyo guryo gaar ah, laakiinse ay adag tahay in la sheego sababta ay wali tiradu u sii badanayso.

Sannad kasta waxa guryo loo helaa qiyaastii 1000 ka mid ah 30 000 ee dhallinyarada ah ee gacanqabashada u baahan sida uu dhigayo sharciga dhallinyarada daryeela ee la yidhaa ( LVU).

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".