Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madowga oo dhan waa iney baska ka degaan

La daabacay torsdag 13 november 2014 kl 12.23
Midabka ayaa lagu faqooqay
(3:35 min)
Maxaddo baska lagu sugo. Sawirle: Filippa Armstrong SR
En halkig morgon där en del nog ställde cykeln och tog bussen Foto: Filippa Armstrong SR

Hoggaanka ciidanka ammaanka ee magaalada Kiruna ayaa dacawad baaritaan bilow ah ka bilaabay magaaladaasi oo ka dhan ah dareewallada qaar ka mid ah shirkad basaska ee gaadiidka dad-waynaha, middasina oo ka dambeeysay faqooq lagu sameeyay ajaaniib u badan madow oo ku dhaqan nawaaxiga Kiruna, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee Svt - Nordnytt.

Dhacdadan ayaa ka dambeeysay kolkii muddo iminka saddex toddobaad laga joogo goor fiidnimo ah maxado ey laba bas ku kulmaan lagaga dejiyey dhammaan ajaaniibtii saarneyd basaskaasi, halka iswiidhishkii saarnaa ey safarkoodii halkii ka sii wateen, sida uu noo sheegay Cabdifataax Maxamed Cumar oo ka mid ahaa rakaabkii basaskaasi oo aanu khadka telefoonka kula xiriirney:

Cabdifataax Maxamed Cumar ayaa sidoo kale noo sheegay in aanu wax sabab ah oo aan ka ahayn cunsuriyad u ahyn sababta baska lagaga dejiyey. Intaa waxaa u dheeraa in kolkii baska laga dejiyey ey sugeen inta uu bas kaleeto uga imaneyo oo ey xaafadda ku tagaan, hase yeeshee uu baskii kale ee goobtaa ka shaqeeynayey habeenkaasina aanu u istaagin kolkii ay u caddaatay iney ajaaniib yihiin. Middaasina oo ku kalliftay iney hooygoodii u soo lugeeyaan.

Eva Sjöström, madaxa laanta dembi-baarista ee laanta boliiska waqooyiga Lappland, ayaa sheegtay mar ay u warrameeysay war-geeyska maalinlaha ee DN, in ciidanka dembi baaristu fureen dacwad baaritaan ee ka dhan ah shirkadda gaadiidka dadweeynaha ee nawaaxigaa, islamarkaana ka war-dhoowreyaan wixii ka soo baxa baaritaanka.

Shirkadda basaska gaadiidka ee lagu magacaabo Hörvall oo nawaaxigaa ka howl-gashaayaa sheegtay iney kulammo ka yeesheen dhacdooyinka iyo is-bedello lagu sameeyey shaqaalihii. Hase yeeshee uu Cabdifataax Maxamed Cumar noo sheegay in aaney jirin haba yaraatee wax khalad ama gef ah oo ey basaskaa ka dhex sameeyeen intii aan lagu amrin iney baska isaga degaan, iyaga oo weliba laga qaaday sawirro iyo magacyadooda intii aan baska laga dejin.

Isha /Svt nordnytt, DN

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".