Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baadhitaan la xidhiidha tuhun musuqmaasuq

La daabacay fredag 14 november 2014 kl 12.00
Tonsättare Kent Olofsson Foto:Thomas Artäng/Sveriges Radio
Tonsättare Kent Olofsson Foto:Thomas Artäng/Sveriges Radio

Waxaa la bilaabay baadhitaan hor leh oo la xidhiidha cashooyinka ciidda masiixiga ee ururka laxan sameeyayaasha ee Sweden uu u sameeyo dad ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socota hey’addaha qaadhaanka siiya ururada dhaqanka iyo muusiga

Go’aanka ayaa yimid, ka dib markii barnaamijka Kalibers ee ka baxa idaacada P1 ee Raadiyaha Sweden uu baahiyay warbixin la xidhiidha umurtaas.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka u qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa Alf Johansson ayaa sheegay in baadhitaankan la xidhiidha arrimahan musuqmaasuqa uu ku socdo dad looga shakisan yahay in ay qaateen ama bixiyeen laaluush.

Geesta kale gudoomiyaha ururka laxamaystayaasha Sweden Martin Q Larsson ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo baadhitaaankan hordhaca ah.  

Isha: Kulturnytt

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".