Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Löfven oo raba in Sweden xubin ka noqoto golaha ammaanka ee QM

La daabacay fredag 14 november 2014 kl 16.00
Swedish Prime Minister Stefan Löfven. Photo: Roger Vikström / TT
1 av 2
Swedish Prime Minister Stefan Löfven. Photo: Roger Vikström / TT
Swedish Prime Minister Stefan Löfven made the promise soon after being elected. Photo: Socialdemokraterna/ CC BY-NC-ND 2.0 https://flic.kr/p/oWjdkK
2 av 2
Swedish Prime Minister Stefan Löfven made the promise soon after being elected. Photo: Socialdemokraterna/ CC BY-NC-ND 2.0 https://flic.kr/p/oWjdkK

Raysal wasaaraha waddankan Sweden Stefan Löfven ayaa wiiga soo socda booqanaya xarunta guud ee Qaramada Midoobay, isaga qaadi doona olole uu uga dan leeyahay sidii Sweden xubin uga noqon lahayd, golaha ammaanka ee QM.

Olalaha ayaa la xidhiidha 10 boos ee aan rasmiga ahayn ee golaha ammaanka ee Qamarada Midoobay, oo ah 10 boos oo ay isu bedbedelaan 193 waddan, ee iyagu aan ahayn 5 waddan ee kuraasta rasmiga ah ku leh golahan. Sweden ayaa booskan kula loolamaysa waddamada Holland iyo Talyaaniga oo ah mid loo qoondeeyay waddamada galbeedka Yurub.

Codbixinta umuurta ayaa qabsoomi doonta xagaaga soo socda, haddiiba ay Sweden ku guulaysato booskan ayaa waxay noqon doontaa markii afraad ee Sweden ay xubin ka noqoto golaha ammaanka QM.

Stefan Löfven ayaa ku sugnaan doona magaalada New York oo ah halka uu dhaco xafiiska koowaad ee QM, 11 ilaa 19 bishan, isaga oo ka qayb gelaya dabaal-dega sannad guurada 25-aad ee sharciga caalamiga ah ee caruurta.

Isha:SVD

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".