Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo raba isticmaala bacaha wax lagu qaato

La daabacay tisdag 18 november 2014 kl 13.00
100 miljarder plastpåsar förbrukas årligen i EU. Foto: Fred Dufour/TT.
Midowga Yurub oo raba isticmaala bacaha wax lagu qaato. Foto: Fred Dufour/TT.

Maalinta jimcaha waxa uu midowga Yurub gaadhi doonaa go'aan lagu yaraynayo isticmaalka bacaha alaabaha lagu qaato. Go'aankan ayaa noqon doona mid lagu yarayn doono isticmaalka bacaha ama mid kor loogu qaadayo iibkooda. Kadib falaqayn dheer oo guddida, baarlamaanka iyo waddamada midowga Yurub ku jiraaba wada yeesheen,

 waxa hadda miiska saaran laba qorshe oo dhaqan gali doona toban sanno kadib. Waxaanay labadaa qorshe yihiin; In la kordhiyo lacagta bacaha lagu iibsado iyo in lagu dulqaro bacaha in qofku aanu isticmaalin wax ka badan 40 bacood sannadkii.

Sida caadiga ah, qofka Iswiidhishka ahi waxa uu sannadkii isticmaalaa 100 bacood. Halka qofka ku nool waddanka Roomaaniya uu isticmaalo 600 bacood sannadkii. Linnea Engström oo ah xubin baarlamaanka Yurub ah oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa aaminsan in ay tani tahay in masuuliyad layska saaro deegaanka, lana yareeyo saamayn xun ee ay bacuhu yeelan karaan.

Dhanka kale Cristofer Fjellner oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa aaminsan in dhibaatadu aanay ahayn isticmaalka bacda, ay se tahay habka qaldan ee bacda loogu tuuro deegaanka.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".