Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dugsiyo badan oo baahi u qaba in ardayda laga caawiyo duruustooda

La daabacay onsdag 19 november 2014 kl 13.00
Elever skriver i klassrummet. Foto: Katarzyna Korza/TT
Dugsiyo badan oo baahi u qaba in ardayda laga caawiyo duruustooda

Waxa jira dugsiyo badan oo dalbanaya sidii ay ardaydoodu u heli lahayd caawimaad dheeraad ah oo laga siiyo duruustooda. Laakiin se waxa dhanka kale yar lacagta ay dawladdu ugu talo gashay arrintaasi. Dayrtan waxa ay dawladdu  hawshan ugu talogashay lacag dhan 15 milyan oo karoon.

 Lacagtaasi ayaa loo qaybiyay maamullada degmooyinka, dugsiyada madaxa-bannaan,  iyo waliba ururrada sida mutadawacnimada ku shaqeeya. Lacagtaasi ayaa ah mid aad u yar marka loo eego dalabka loo baahan yahay oo ay ku baxayso 50 milyan oo karoon. Iyada oo taas ka duulaysana waxa ay haayadda dugsiyadu sheegtay in ay mihiimadda koowaad siin doonto uun iskuulada ugu baahi badan ee ay joogaan ardayda tayada waxbarashadoodu hoosayso.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".