Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isu socodkii tareemada oo dib u bilaabmay

La daabacay fredag 21 november 2014 kl 09.41
В Стокгольме опять стоят поезда
Foto:TT

Hadda waxaa dib u bilaabmay isu socodkii tareemada, ka dib markii hakad galay arooryadii saaka. Sidaa ay sheegaysa hey’adda gaadiidka qaranka. Lakiin waxaa la filyaa in hakad geli doono habsami u socodkii tareemada, maaddaama oo ay jiraan tereeno badan inbadan waddada ku xanibnaa.

Sidee saaka wax u dhaceen?

Waddada tareenada ee u dhaxaysa Södertälje iyo Stockholm ayaa gebi ahaanba xidhan, ka dib markii ay haleeshay cilad farsamo. Middan ayaa saamaynaysa dhamaan dadka ku safra tareemada dhamaantood

Maddaama oo waddadu xidhantahay, socdaalayaal badan ayay tani saamayn doontaa, sidaa waxaa leh Beisi Sundin oo hey’adda gaadiidka ee qaranka u qaabilsan saxaafadda.

-Waa nasiib xumo weyn middani. Xitaa haddii laga soo safraayo Sunsvall oo loo socdo Stockholm middan waa ay saamayn kartaa. Dad faro badan ayay saamayn doonta ayuu leeyahay Beisi Sundin

Hadda ayaa hey’adda gaadiidka ee qaranku waxay raadinaysaa cilada, oo ah mid haleeshay waddada marta Flemingsbeg.

Tareemada u kala goosha Malmö iyo Götaborg ayaa la maraya waddada Västerås, middaas oo laga yaabo in hakad geliso gadiid kale. Sidoo kale shirkada gadiidka dadweynaha ee SL ayaa tareenkeedii ka dhexshaqayn jiray Tumba iyo Huddinge ku bedeshay basas.

Si kastaba ha ahaate, weli la cadayn waxaa sababay cilada saaka haleeshay waddada tareemada ee marta Flemingsberg oo ah midda sababtay hakad galay isu socodka tareeemada. 

 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".