Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xafiiska shaqada oo fududayn doona habka shaqada lagu raadiyo

La daabacay måndag 24 november 2014 kl 12.00
Arbetsförmedlingen. Foto: Patrik Åström/Sveriges Radio.
Xafiiska shaqada oo fududayn doona habka shaqada lagu raadiyo. Foto: Patrik Åström/Sveriges Radio.

Xafiiska shaqada oo sheegay joojin doonaan in ay qofka  shaqadoonka ah ku qasbaan in raadsado shaqo aanu heli karin. Sidaas waxa qortay jarriiradda Dagens Nyheter. Agaasimaha guud ee xafiiska shaqada Mikael Sjöberg ayaa sheegay in ay meesha ka saari doonaan sharcigii dhigayay in qofka shaqodoonka ah shuruud looga dhigo in uu shaqo soo heshoodo.

 Uuna xafiiska shaqada u keeno liis ay ku qoran yihiin dhawr shaqo oo uu qaban karo. Agaasimuhu waxa uu jarriiradda DN u sheegay in ay taasi keentay in shaqaalaha xafiiska shaqadu ay ka  leexdaan shaqadoodii ahayd in ay dadka shaqodoonka ah ku hagaan hannaanka shaqada lagu raadiyo, taas beddelkeedana ay noqotay uun in kolba tiro badan oo shaqo ah laga soo daabaco uun intarnetka. Halkaasi oo qofka shaqodoonka ahi uu ka fikirayo uun sidii uu uga gudbi lahaa xujada uu kala kulmo qofka ka shaqeeya xafiiska shaqada ee uu la kulmayo.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".