Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaalaha gargaarka degdega ah oo khatar kala kulma tareenada

La daabacay måndag 24 november 2014 kl 13.00
Två personer miste livet när den bil de färdades i krockade med ett tåg vid en obevakad järnvägsövergång utanför Fränsta, väster om Sundsvall, uppger polisen i Västernorrland. Olyckan inträffade strax efter klockan 13 på tisdagen. Foto: Mats Andersson/TT.
Shaqaalaha gargaarka degdega ah oo khatar kala kulma tareenada

Inkasta oo haayadda gaadiidka ee loo yaqaano Trafikverket ay ahayd in ay tareenada joojiso xilli ay hawlgal ku jireen haayadda gargaarka degdega ahi, haddana iyada oo hawshii lagu jiro ayay tareenadu shaqadooda iska sii wataan halkii ay ahayd in ay taagnaadaan inta ay hawshu socoto.

Arrintan waxa toddoba jeer xaqiijiyay telefiishanka Sweden. Bishii may ayay ahayd markii waaxda gargaarka degdega ahi ay wargeliyeen xarunta tareenada ee Knivsta si ay maamulka tareenadu booliiska uga caawiyaan sidii loo badbaadin lahaa qof isdilayay ama nafta iska qaadayay. Kadib maamulka tareenadu way joojiyeen isusocodkii tareenada, laakiinse intii ay shaqaalaha gargaarka degdeg ahi u jireen hawlgalkoodii waxa meeshii soo maray tareen aanay ka war hayn. Taasina waxa ay ka dhigan tahay in haayadda gaadiidku  ay amar ku bixisay in ay tareenadu isusocodkooda bilaabaan iyada oo aan shaqaalaha gargaarka degdega ah wargelin xilli ay hawl ka wadeen waddada uu tareenku maro. Taasina waxa ay baal marsan tahay sharciga haayadda gaadiidka.

Sida uu sheegay telefiishanka Sweden( SVT), waxa ay dhacdadan oo kale dhacday toddoba jeer.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".